Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Shardigii ilmaha ee la sharciyeeyey

Ma ogtahay dhageystoow in nin iyo xaaskiisa oo in muddo ah is qabay ay ilmo iska waayeen. Haba iska waayeen ee ma wax lala yaabaa baa, imisa ayaa qoys oo muddo dheer is qaba iyagoo caruur iska waayey? maya! u kaadi, la yaabku taas maba aha ee muran ayaa labadii isqabay ka dhex aloosmay, ka dib markii qofba kan kale ku eedeeyey in uu ma dhaleys ama ma dhasho yahay, kolkii murankii xoogaa lagu dheeraaday ayaa ninka oo 56 jir ahaa xanaaqay oo yiri: orod oo tag oo ninkii aad doonto la seexo waxaan shardi ku galay haddii aad uur qaaddo in aan 300 oo doolar ku siiyo. Aah aha ahaa ahaa waaba xaaskaaga lacag ku sii in ay niman kale la seexato "ninkii cimrigiisa dheeraado geel dhalaayo aas arkaa" arinkii halkaas kuma dhamaanine xaaskiisii oo 37jir ah ayaa maxkamadda sare ee dalka Simababwe oo ah meesha ay labadoodu u dhasheen sii istaagtay, bal malee waxa ay ka doontay maxkamadda? waxey weydiisatay maxkamadda in arinkaas ay dhexdhexaadiso oo hadhoow ninkeedu shardiga uusan ka noqon oo uusan furin, marka ay niman doonato oo ay ilmo qaaddo! bal ka waran, ninkii oo is leh shoow maxkamaddu maxey yeeli doontaa! uun baa xaakimkii maxkamadda sare yiri: "Sharad waa sharad, waxaanad u fasaxan tahay in aad la seexato ninkii aad doonto". waxaase loo qabtay ilaa 20Maalmood in ay tumashada ama tamashlaha ku soo gabagabeyso. kaasi wuxuu ahaa sharadkii iigu yaabka badnaa.